CALI ZAKI - MARWADAYDA INAAD NOQONAYSO Falaqayn

Silsilad Cusub OO Lamagac Baxday Caashaqa ma rarataa???

Salaamulaahi calaykum meel walba oo aad joogtaan soomaliyeey
Caawa waxaan idiin haynaa Silsilad cusub oo loogu magacdaray
CAASHAQA MA RARATAA
cid waloo aduunkaan
caddibaad samaysaa
waa caynka noloshoo
mar loo baa ciqaabaa
gafkay caadi moodee
cawa dhalad gaddiisii
caashaqa ma rarataa??
Silsialdaan waxaa inoo daah furay abwaan Hiiliye Hilaac Ismaaciil
waxayna u furantahay dhamaan Hal abuurada soomaliyeed waxaana idiin marti galin doona Hoyga murtida iyo madadaalada ee murtibile.
Hoyga murti bile waxa uu had iyo jeer u taagan yahay inuu idiin soo gubdiyo sugaan cudoon waxa kaloo uu had iyo jeer marti galiyaa silsiladaha cusub. Silisladaan Caashaqa mararataa waxay noqonaysaa silsiladii afraad ee aan idiin marti galino kuwaas oo aad hab dhamaystiran  uga dheehan kartaan shabakada  murti bile
Silsiladaan caasaahqa mararataa maasnadeedii koobaad waxay u dhacaysaa sidatan 
Cid waloo aduulkaan
Cidibaad samaysaa
Waa caynka noloshoo
Mar baa loo ciqaabaa
Gafkay caadi moodee
Gawa dhalad gaddiisii
Caashaqa ma rarataa

Cirridiyo kulaylaha
Intaad caag ku dhoobtaa
Ma carraabisaa galab
Intaad cayn ku jiidaa
Miyaad ceelka gaysaa

Caynaddii dameeraha
Haamaha culays kale
Intaad ciid ku miistaa
caashaqa ma saartaa

Ciir ciir markuu galo
Dhagaxaan cardaaduqa
Ma ku sii culaashaa

Cirka oo da'aayaa
Ceel barafku ceegago
Cawaraad habeenkii
Caashaqa ma galisaa

Caaqibo naf laga rabo
Waala loo cabsoodee

Caynkuu samayn jiray
Maka soomisaa ceesh
Cabitaanku waa sade
Candhuuftaba ma diidaa
Inay cunaha gaadhaa

Cabaad aan dhamaan iyo
Caloolyow ma galisaa
Cusri iyo rafaad iyo 
Cikirnaan ma marisaa
Hadduu kuu calaacalo
Carrabkaba ma gowsaa

Aduun galabba waa cayn
Waa bishaara caadiya
Calankiisi caashaqu
Caawaba dhulkuu yaal

Intuu curad cirraabiyay
Cowrala intuu dilay
Inta uu cajuusiyo
Cirroolaha cadaadiyay
Carmal iyo intuu gabay
Sheekh caan ahaan jiray
Intuu ceeb ku falay ruux
Cadad lagu qiyaasiyo
Xisaab looga caalwaa

inta uu cardiiqiyo
inta uu cawaanimo
Caashaqu curyaanshow
Caynkuu idiin galay 
Ayaa loo cadaabee
Inta aad cod dheer iyo
Sacab caadka marisaan
Ciyaaraha usoo baxa

Aduun galabba waa cayn
Waa bishaara caadiya
Calankiisi caashaqu
Caawaba dhulkuu yaal

Cuddoon maansadaydaay
Kaftan caafimaadeey
Sidaan kuu cumaamaday
Ku cawaysin heegada

Dhalintana casuunoo
Gabi wada ciseeyoo
Ciyaaraha u daadihi
Aniguna carfooneey
Inta curisa maansada
Cod waxaan ku leeyahay

Hiddaheeni cuud iyo
Waa caadadeenee
Cigalluhu inoo furan

curiye abwaa hiiliye


Maansadii kobaad oo magaceedu yahay caashaqa ma rarataa  halkaan ka daawo 

Comments