CALI ZAKI - MARWADAYDA INAAD NOQONAYSO Falaqayn

AKHRISO:: QORMO CAJIIB AH Waa Maxay Hidde iyo Dhaqan?

Waa Maxay Hidde iyo Dhaqan?
Dhaqan waa erey saameeya camalka Aadanaha af iyo adinba, wuxuuna ka dhashaa tallaaba walba oo bulshadu ugu halgameyso jiritaankeeda iyo horumarinta nolosheeda.
halgankaas waxaa unug iyo saldhig u ah dadaalka loogu howlgelayo sugidda saddexda maado ee nolosha binu-aadamku aysan ka maarmin kuwaasoo kala ah: hoyga, hugga iyo hunguriga sidaasi darted waxaa Dhaqanka soomaaliyeed yahay xoolo dhaqato reer guuraa ah, beeraley deggan iyo gedisley magaalo ku nool, waxana lagu kala magacaabaa (Goofley, Geelley iyo Gedisleey)
Dhaqanku waxa uu u qeybsamaa maadi iyo ruuxi, maadigu waa hab-dhaqanka la arki karo ee bulshadu leedahay sida: dhaqashada xoolaha nool, tacbashada beeraha, sameynta ama falkinta waxyaabaha aqalka lagu dhisto, sida: cawska, kebedda, udbaha, dhigaha iyo weelasha cuntada lagu cuno sida: dheriga, xeerada, fandhaanka, haamanka IWM.
ruuxigu waa waxa ku qarsan qofka gudihiisa oo aan la arki Karin balse la dareemi karo sida: Diinta, suugaanta, luqadda iyo wax kastoo qofku caqiida ahaan u aaminsanyahay, waana midda qofka Aadamiga ah assal u ah dhaqankiisa, dhaqanka qeybta maadiga ah haddii la xumeeyo ama wax xun lagu tilmaamo qofina kama xumaato oo kama dagaalanto, balse qeybta ruuxiga haddii xumaan laga sheego dhamaan bulshada dhaqanka u lihi wey ka dagaalamaan oo naftooda ayeyba u jari karaan daraadeed, waana sababta aan u leenahay waa qeybta assalka u ah Dhaqanka Binu-aadmiga.
Hidde: waa raad raac jiilba jiilka ka dambeeya uu ka dhaxlo oo lagu tilmaansado ama looga daydo hababkii aabayaashood iyo awoowa yaashood u amba qaadi jireen kifaaxa nolosha, sidaasi darteed ereyga Hidde waa dhaxal, waxa la dhaxlaana waa dhaqanka taas ayaana sabab u ah in marwalaba leysku qabto Hidde iyo Dhaqan

Qormadaan waxaaan qoray hal-abuur caalim 

Comments