CALI ZAKI - MARWADAYDA INAAD NOQONAYSO Falaqayn

Heestaan  loogu magac daray Marwadayda inaad noqonayso  waxay soo baxday 04.bishii 3aad.2023 waa hees jacayl ah sidoo kale waa hees dagan oo ku haboon jawi lamaane 

Waxaa ku luuqaynaya fanaanka Cali zaki, micnaha iyo humaaga ay bixinaysaana waxa uu xambaarsan yahay qof  kuu dhawaa oo hadan aad calaf wadaagteen, qof aadan marnaba is lahayn jacayl iyo xiriir toona  ayaa idin dhex mari doona hadana calafka eebe ayaa baxshee  aad noqoteen far iyo faraanti  laba qof oo hooy waa yag yeelay. Si aad ka dhadhan sanayso qalcada ugu horaysa ee heestaas 

Marwadayda inaad noqonayso

Ma ogayne mudan dad keeleeto

Wakhti maalmo intaan yara qaato

Maanku diiday inaan ku nagaado 


isku soo duuboo heestaan waxaa erayadeeda leh Ereyadii: Abwaan Sidiiq Jiir, Laxankaas dagana waxa saaray Sakariye Kobciye halka Music geeda Cadceed ka dhawaajiyay

Afro Waqal Furinle Production waa farsama yaaqandii muuqaalka iyo so saaristeed alahaa


Muuqaalka heesta halkaan ayaad ka daawan karayaa  qoraalkuna hoos ayuu kuu yaal 


Page 1

Marwadayda inaad noqonayso

Ma ogayne mudan dad keeleeto

Wakhti maalmo intaan yara qaato

Maanku diiday inaan ku nagaado

 

Meel aad joogto ayaan ogayne

Mar horaan imaan laa dhinacaaga

Waxa aanse mabsuud ku ahaaday

Inaan maanta ku haysto xabiibii

 

……………………………………………………

Kolkii aan noloshii ku midownay

Naftii aad mukidaa kugu faantay

Mugdigii iftiin baa ka danbeeyay

Murugtii farxad baa ka danbaysay

Malab weeye jacaylka dhexdeenu

………………………………………………….

 

Page 2

Maqnaantaada naftaan ku galaynin

Minit baanan ku waayi ka raynin

Qalbigaad illeen maamulaysaaye

Muuqaagaa jawi gaara sameeya

 

Qof muhiima markaan la rafiiqay

Muxubaa jidhka oo dhan ku baahday

Noloshaa macno doora samaysay

Marraa waaxid hadaan nastay qaali

 

……………………………………………………

Kolkii aan noloshii ku midownay

Naftii aad mukidaa kugu faantay

Mugdigii iftiin baa ka danbeeyay

Murugtii farxad baa ka danbaysay

Malab weeye jacaylka dhexdeenu

………………………………………………….

 


Comments