CALI ZAKI - MARWADAYDA INAAD NOQONAYSO Falaqayn

DAAWO: Maansadii 2aad Ee Silsiladii Caashaqa mararataa iyo Abwaan Abdi Yusuf Abdi

Bolshooy waxan idiin sidnaa masadii labaad ee silsiladii CAASAHAQA MARARTAA. Silsiladaan oo aah mid cusub ayaa waxaa maansadii labaad ka soo qalay abwaan la yiraahdo  Abdi Yusuf Abdi.
Abwaan ku wuxuu soo tiriyay manso uu ugu magac daray DAN BAAD UGU CALAALI isagoo  lahadlaya abwaan hiiliye oo ah  unkaha sil silada kaasoo ku sheegay maansadii sii hore inuu isagu caasahqaba rarto.
Waxba yaana hadal kugu daaline maasadii Danbaad ugu calaaxali waxaay tiraahdaa

Ca'da hore salaan guud
Caqliga iyo garashada
Caadil baa ku siiyaye
Hiiliyow cawayskaan
Mahad celin gudoonso

Cagta aan la sii helo
Wadadii aad curisaye
Hiiliyow cod kaagii
Cashaqa ma rarata?
Cubta aad na soo tiri
Cayn layda doogaa.
Cir ayaan ku leeyahay

Cilmigiisa guud iyo
Casharkiisa gaarka
Anaa caawa dhigaye
Bal ca'leydu no furan

Cood aan dhibato iyo
Loo marin raafaad culus
Hamuun laguma cayrshe
Dhayal caashaqii ah
Caano lagama dheefo
Rasamaal ma curiyee
Afkuu hadal ku caane
Caynkaas bal hubiyoo
Wanaagiisa noo cuga

Imisuu cuddoon dumar
Uu la doontay curadoo
Uu garsooray calafkuyo
Cashaqu ka marag yahay

Imisuu colaad daran
Labo kala cargaagtay
U cudeeyay nabadoo
Haatan sabi ciyaarsiin

Ca'da kale waxay tahay
Cirkoo da'ay hamayno
Aadmigu calool sami
Farxad ay ciyaaraan
Ciirta iyo karuurkiyo
Uu ceegaagu subago
Caanaha samaadna
Cabitaan ku wacane
Gaawaha mar lo culoo
Marti loo cimamaday
Muran li'i cabaayaan iyo
Cad ceedoo iftiintoo
Caafimaad la toosoo
Naqu carafta lala dhaco
Gardhadiyo caleentiyo
Ubax caynba caynana
Ciyaarsiin dabayshiyo

Abaar cood ma reebta
Colaad diiftu wada taal
Caato lala galuubtay

Ma isku caynad baayo?
Ma isku calan qureeta?

Tusaalahan cabiraybaan
Casarkii la sahan tagoo
  Cishihii la samo imid

Magaciisa caashaqa
Aan hikaadsho caawe
Culimadii suugaantaay
Ca-da hore waxay tahay
U carraab bal calafkaa
Aa' duna culayaskeed
Aamin caadilkaagoo
Carabkaaga dhawroo
  Ka ilaali caabuqa
Sha'da caynadeeduna
Waa shukaanso ceeb li'i
Niyad sami u soo culo

A'da cirif sugnaatiyo
Waa aragti caan ah

Qa'du waa caqliga gali
Qorshe guri cuddoon oo
Curdankaa ka miro dhali

Aan caynsho maansada
Waxaan cuga un leyahay
Cudur weeye caashaqu
Dawayntiisu caan tahay

Ca'da kale waxay tahay
Rarataye cabbaar joog
Dan baad ugu calaacali
U cabaadi goor dhexo
Camalkiisa waad qirin

Ca'da kale waxay tahay
Marba caynda weeyoo
Aduun galinba waa cayn
Kugu filan cadayn guud
Gadda caashaq weeyaan
curiye : abwaan abdi yusuf abdi





MUUQAALKA MAANSADU WAAA KAN 

Comments

Post a Comment