CALI ZAKI - MARWADAYDA INAAD NOQONAYSO Falaqayn

AKHRISO :: Dhulkaygu Dhaliil Ma Leh Qormo Aad u Xiiso Badan

((Dhulkaygu dhaliil ma leh))
Sheekadan magaceeda waxa la yidhaa  ""DHUL KAUGU DHALIIL MALEH""
Dhulka ay Somalidu dagto waa dhul balaadhan oo leh wax kasta oo koonka
Ilaahay ku manaysto hadii Aan wax ka taataabto dhulka somalida waxa ku yaala
Baddo,webiyo, shiidaal, buuro, Dheeman
1. BADAHA
nimcooyinka laga hello Aad ayay u fara badan yihiin hadii Aan wax idiinka sheego waxa ka mid ah
Dhanka badaha  waxa ku yaala dekado Istaraajiijiya oo laga hello dakhli Aad u badan waxa kale oo intaa u dheer Ka Kalluumaysiga, iyo ku dalxiisida xeebaha Hadii si cadaaliya loo soo xerro galin lahaa dhaqaalaha kasoo galla badda oo kaliya waxay kaafiyi lahayd umada somaliyed oo dhan
2.WABIYADA
Dhulka somalida waxa ku yaala webiyo ka faaiidaysiga Webiyada  waxa looga faaiidaysan karraa in la sameeyo adeegyada Ama qalabka lagu dhaliyo Dabka si looga faaiidaysto hababka casriga ah ee laydhka iyo Dabka looga faaiideeyo umada Waliba si Sahlan
Ta labaad in lagaga faaiidaysto beeraha  oo la dar dar galiyo   lagu taageero dadka beeralaydaa agabkii ay ku falan lahaayeen beeraha hadii taas la helana   waxa la arki lahaa in Waxyaabo badan oo somalida dibada uga yimaada laga ga maarmi lahaa
3.BUURAHA
Baxa ku yaala dhulka somalida buuro caqiibo leh oo soo jiidasho leh oo qurux iyo qaayaba leh dadka ku dalxiisi lahaa anaa huba inay ka mabsuudi lahaayeen ooy lama ilaawaan ku noqon lahayd  buurahaas Waxa ku nool ugaadh nooc walba oo ay tahay  sidoo kale waxa ka baxa geeda iyo dhir oo nooc walba leh ku darsoo Waliba waxa jira dhir u gaara dhulka somalida
4.DHIDAAKAL
Dhulkayga waxa ku jirra Shiidaal aan caadi ahayn Dhulkayga waxa loo yaqaan Ama ay carabtu ula baxeen( ARDUL BIKAARA) oo micnaheedu tahay dhulka aan la taaban
Dahabkii, sibidhkii, warshadihii
Dhagaxii ciidii wax ka maqan malaha
Hadaba Yaan waxba hadalka idinku daaline Su,aalaha aan is waydiiyaa
Ayaa waxay tahay umada somaliyed
Haba is dilaan Ama Qabiil haku coloobeen Ama siyaasad haku kale tageen dadka Hantida intaa leeg haysta ma si loo maamulo ayay wali garan laayihiin?
Ma hantidan ayay is leeyihiin u hadha?
Ma dulinimada ayaynu ka jecelnahay darajada?
Ma diinta ayaynaan waxba ka Aqoon?
Mise diinta waynu naqaanaaye waynaan ku dhaqmin?
Ileen dad kale inoomay taliyeen
Hadii ayna taagteena arrage
Hadalkayga Waxaan kusoo gabagabeeyay allaylehe
Odhaahda hadalkayga
((DHULKAYGU DHALIIL MA LE))
EE KUWII KU DUL DHASHAY
AYAA DARAJADII KA DOOR BIDAY

Qormadaan aadka uxiisaha badan waxaa qoray ::Abdirisaq Muhani

BY Abdirisaq Muhani

Comments