- Get link
- X
- Other Apps
- Get link
- X
- Other Apps
Sahal weeye magacaay
Sa'da xarafka maansada
Sa'da xarafka maansada
Nin samaha kasheego
Ku saxiixan baan ahay
Ku saxiixan baan ahay
Sool iyo sanaag iyo
Sabadii togdheer iyo
Sabadii togdheer iyo
Seeraha nugaal baan
Sugaanta dhaxashale,
Salkeedii kasoo helay
Sugaanta dhaxashale,
Salkeedii kasoo helay
Ma seereyo marin kaan
Rabo inaan ku siibtee
Bal aan hoos u siidago
Rabo inaan ku siibtee
Bal aan hoos u siidago
Ina yuusuf saaxiib
Salaan iga gudoonoo
Iga qabo sirtaan wado
Salaan iga gudoonoo
Iga qabo sirtaan wado
Samow jacaylkaan
Sambab kaaga dagay oo
Saab kaaga jiifsaday
Sambab kaaga dagay oo
Saab kaaga jiifsaday
Sidaad noogu sheegtay
Sadar kaaga maansada
Sadar kaaga maansada
Saxayoo gudoomaye
Saanqadka sheekada
Sikastaba ha noqotee
Saanqadka sheekada
Sikastaba ha noqotee
Waxaan kula saxaayaa
jacayl inuu wax sababo
Uu yahay sun lagu go'ay
jacayl inuu wax sababo
Uu yahay sun lagu go'ay
Aan kala sifeeyee
Sadex buu diloday
Sadex buu diloday
Nin saboola wuu dilay
Nin surleexsan wuu dilay
Nin sir gaaban wuu dilay
Nin surleexsan wuu dilay
Nin sir gaaban wuu dilay
Sabab tiisu badataye
Allow adiga kaa sahal
Allow adiga kaa sahal
Sir kalana bal iga hoo
Anoo soonahaas mudug
Anoo soonahaas mudug
Subax geel ku foofshoo
Sulub caana heed dhama,
Sulub caana heed dhama,
Sannadkuna barwaaqiyo
Seerma waydo guya yahay
Seerma waydo guya yahay
Halaan saa u celiyoo
Surin kaan ka soobaxay
Surin kaan ka soobaxay
Gabar socod qurxoonoo
Riyo sii rogaysaan
Bidhan teda milicsaday
Riyo sii rogaysaan
Bidhan teda milicsaday
Saameshu waa hawd
Isla saacadii baan
Isla saacadii baan
Soo aaday Meeshii
yarta aan ka milic saday
yarta aan ka milic saday
Socod kaygi dabadeed
Soo gaaray inantii
Soo gaaray inantii
Salaan baan u taago
Aan iri suleekhay
seetahay inadeer
Aan iri suleekhay
seetahay inadeer
Waxaay tiri saaxiibow
Salan taada waanabad
Salan taada waanabad
Suleekhana ma aan ihi
Ee hal keed u socotaa
Ee hal keed u socotaa
Waxaan iri suleekhiyo
Gabdhuhu waa sacadiyiyo
Saamiya iyo fardowsee
Mideebad sahray tahay
Gabdhuhu waa sacadiyiyo
Saamiya iyo fardowsee
Mideebad sahray tahay
Waxaay tiri saaxiibow
Samiyaan anigu ahaye
Sahraduna maxay tahay?
Samiyaan anigu ahaye
Sahraduna maxay tahay?
Soo daadag baan iri
Riyihii simbade oo
Sikay geeli aan waday
Riyihii simbade oo
Sikay geeli aan waday
Saamiyaay ina adeer
Sabo reerku yaal sheeg
Sabo reerku yaal sheeg
Waxaay tiri saaxiibow
Sadex bari hortood baan
Soo gaaray meeshoo
Runtii kuuma sixi karo
Sabo reerku yaalee
saaxiibow lasoco taas
Sadex bari hortood baan
Soo gaaray meeshoo
Runtii kuuma sixi karo
Sabo reerku yaalee
saaxiibow lasoco taas
Saane saamiyo cadey
Xagee sannadka maanta
Naga soo salantoo
Simaneey kasocotaaa
Xagee sannadka maanta
Naga soo salantoo
Simaneey kasocotaaa
Say tiri saaxiibow
Hooyan soo yar gaaree
Baadiye sagaal sano
Socodkayga kuma marin
Hooyan soo yar gaaree
Baadiye sagaal sano
Socodkayga kuma marin
Warka aan kusiiyoo
Sarta kaaga jeexee
Xamar baan sannadahaan
Saaxiib ku noolahay
Sarta kaaga jeexee
Xamar baan sannadahaan
Saaxiib ku noolahay
Sakantari iskulbaan
Sagaalad dhameeyoo
Wax barashaan sagoontiye
Sagaalad dhameeyoo
Wax barashaan sagoontiye
Saane saamiyo cadey
Sidee baad u aragtaa
Saaka waan kujecelahay?
Sidee baad u aragtaa
Saaka waan kujecelahay?
Waxaay tiri saaxiibow
Inan baan sugaayoo
Sodon sano mudaabuu
Safar dheer kumaqan yahay
Marka waan samraayaa
Intaan sugayo wiilkaas
Inan baan sugaayoo
Sodon sano mudaabuu
Safar dheer kumaqan yahay
Marka waan samraayaa
Intaan sugayo wiilkaas
Saa, in taan u fiirshan
Su'aal kale ku celiyoo
Su'aal kale ku celiyoo
Saan iri ina ader
Samir lama wadaagee
Aduu eebe kugu simay
Ma sodonsano nin maqan baa
Tiri saaka waan sugi
Samiyaay ina adeer
Saaka ani isoo raac
Samir lama wadaagee
Aduu eebe kugu simay
Ma sodonsano nin maqan baa
Tiri saaka waan sugi
Samiyaay ina adeer
Saaka ani isoo raac
Waxaay tiri saaxiibow
Hadaad saa ileedahay
Hadaad saa ileedahay
Jacayl siibe baatahay
Ee saaxiib nakala gee
Ee saaxiib nakala gee
Samiyo halkaas baan
Isku seegnay subaxaas
Isku seegnay subaxaas
Ee su aal jawaab mudan
Saaxiib bal iga hoo
Saaxiib bal iga hoo
Ma nin kay sugaysoo
Saamiyo rabtaa tahay?
Saamiyo rabtaa tahay?
Mise wiil siraayoon
Sad u haynin baatahay?
Sad u haynin baatahay?
Saaxiib hadaa tahay
Samiyo ninkii rabay
Sadex yaysan kaamudan
Samiyo ninkii rabay
Sadex yaysan kaamudan
Ha oran seenyo riyamaal
Hana dhihin sarreen kari,
Hana dhihin Samaha diid
Sadex kalana waa u sade
Saaxiibow ogsoonow
Hana dhihin sarreen kari,
Hana dhihin Samaha diid
Sadex kalana waa u sade
Saaxiibow ogsoonow
Sool iyo sanaag iyo
Soonaha nugaal bari
Subax qura dal xiis gee
Soonaha nugaal bari
Subax qura dal xiis gee
Geel sanada dhalay iyo
Ulis caano saafiya,
Ulis caano saafiya,
Ha oran sowjad yahay
Gurigaaga seexee
Xornimana u sii daa,
Gurigaaga seexee
Xornimana u sii daa,
Hadiise aadan saaxiib
lixdaa sadar kabixi karin
lixdaa sadar kabixi karin
Anaa saaka taagene
Igu saacid faataxo
Saamiyo inaan helo??
Igu saacid faataxo
Saamiyo inaan helo??

Comments
Post a Comment