CALI ZAKI - MARWADAYDA INAAD NOQONAYSO Falaqayn

QAYBTII 16AAD:: Silsiladii Saamiya Muxuu ka Yiri Abdinasir Yusuf Isse

-sebenkaan la joogo
-inta habla sarakacey
-midii laga siifeyey
-sadarada qurxooniyo
-maanso lagu sowracay
-nafta kugu salalashoo
-si yar kuu jeclataye
-saamiyey walaaley
-sidii abahaa yiri
- geel wada sogsogono
-sayax meel barwaaqiyo
-sanadahan abaar arag
-saamiyey ana bixinoo
-sooryo kaaga dhigiye
-naftu aan kugu sidkee
-so dhawoow saamiyey
-marka xiga siday tahay
-war aan ku siiye
-Saamiyey walaaley
-kuwa sagaraada dabte
-surinti aad istaagtaba
-siriqda subaxa horiyo
-waaberiga sii dhigta
-sabool gaajo weeye
-sahwi caashaq iyo
-sun yay kugu quracine
-sadrigaaga ha ufurin
-surmasegtada iskadhowr
-koley so dhacaana
-ama soo xadaan
-sodomeeyo xoola
-xeraydey soo tubiye
-yeysan kugu sirine
-sooyalku xuma galine
-iska dhowrna saamiyey

‎curiye_cabdinaasir_Yuusuf_ciise‬

Comments