- Get link
- X
- Other Apps
- Get link
- X
- Other Apps
Silsilasii saamiya oo gun iyo caar sii bixisay waji hor lehna la soo baxday
Markaa waxaa isasa soo ban dhigay abwaan isagu shafka u dhigtay oo gabdha saamiya anaa dhalay yiri
Markaan rag badan ayaa dib u ha kan doona ileen odaygii gabadha dhalay ayaa yimid oo xoolo iyo in la la xidido odaga ayaa waajibee
Hadaan idiin kala baxo abwaanka maansada soo tirshay oo ah Abwaane Warsame Cumar Xuseen iyo siday u dhacayso maansadu ::
La isku seegyay siinleey,
Ninka sahan ku maqan iyo,
Midka sowdka yeershaa,
Qofba meel u sacab tumay,
Saadaal lawada sheeg,
Sidey noqon allaa oge,
Marka hore salaan hoo,
Marka xiga sadkaygoow,
Saamiyadan la wada xuli,
Sadrigeey ka timid iyo,
Waxaan ahay sambabadii,
Iney seexato mooyee,
Sardhaba aanay heli jirin.
Afartaa seeskiyo,
Siinleyda maansada,
Saldhiggeedi weeye,
Soo dhawaada dhalinyaro.
Saa-saan haldhaaleey,
Sii-socod geenyaleey,
Saamiyo curaddeydaay,
Cusbur iyo sabiibeey,
Saymo roob la midabeey,
Dayax soo baxaayiyo,
Cad-ceed soo iftiintaay,
Soo haarkaada aragtida,
Eebbe igama suulshee,
Aabo sama ku nooloow.
Suugaanyahan abwaaniyo,
Aqoonyahan sikaday iyo,
Oday soo joogay waayaa,
Murti laga sugayoo,
Hadal sugan ku siiyee,
Saamiya inanteydaay,
Ragga saddex qowlkiyo,
Sowkaada ha u furin.
Ninka dhiigga soomaal,
Dhawga kugu siraayee,
Anaa kuu ah sookeeyiyo,
Soomaalan wadaagnaa,
Sowkiisu saas yahay,
Misna ah sallaaniyo,
Siin nin ku hadlaayoo,
Guumaystaha u sara kaca,
Sinji waa ma guuree,
Sowdkaaga ha u furin!!
Noolashaa sareediyo,
Silic iyo omos iyo,
Hadba sakad dul joogtee,
Midka aanan kula socon,
Saqdii dhexe soo dhaca,
Saamaleylaa qoryaha cuna,
Sowkaada ha u furin!!
Midka kalana saamiyaay,
Soddon xaasle weeyoo,
Dumarkuu sur-gooyaa,
Gabdhuhuu saqiirshaa,
Mustaqbalkiisu sikin iyo,
Saacad kama dambeeyoo,
Saani weeye magicii,
Midkaasna sabiibeey,
Sowkaada ha u furin!
Afartaana sar-sar iyo,
Talo aan saldhigay iyo
Sil-siladdi weeyaan.
Afarkalana saamiyaay,
Dhaqankeenna soomaal,
Hablaha ugu sarreeyoo,
Qiima gaaruu siiyaa,
Niman baatir soomalliyo,
Sidig iyo dayrin iyo,
Soddon halaad iyo qori,
Sabadeyda keeneyn,
Sabool cayra weeyee,
Sowkaada ha u furin!
#Curiye_abwaan Warsame Shiidley
Markaa waxaa isasa soo ban dhigay abwaan isagu shafka u dhigtay oo gabdha saamiya anaa dhalay yiri
Markaan rag badan ayaa dib u ha kan doona ileen odaygii gabadha dhalay ayaa yimid oo xoolo iyo in la la xidido odaga ayaa waajibee
Hadaan idiin kala baxo abwaanka maansada soo tirshay oo ah Abwaane Warsame Cumar Xuseen iyo siday u dhacayso maansadu ::
La isku seegyay siinleey,
Ninka sahan ku maqan iyo,
Midka sowdka yeershaa,
Qofba meel u sacab tumay,
Saadaal lawada sheeg,
Sidey noqon allaa oge,
Marka hore salaan hoo,
Marka xiga sadkaygoow,
Saamiyadan la wada xuli,
Sadrigeey ka timid iyo,
Waxaan ahay sambabadii,
Iney seexato mooyee,
Sardhaba aanay heli jirin.
Afartaa seeskiyo,
Siinleyda maansada,
Saldhiggeedi weeye,
Soo dhawaada dhalinyaro.
Saa-saan haldhaaleey,
Sii-socod geenyaleey,
Saamiyo curaddeydaay,
Cusbur iyo sabiibeey,
Saymo roob la midabeey,
Dayax soo baxaayiyo,
Cad-ceed soo iftiintaay,
Soo haarkaada aragtida,
Eebbe igama suulshee,
Aabo sama ku nooloow.
Suugaanyahan abwaaniyo,
Aqoonyahan sikaday iyo,
Oday soo joogay waayaa,
Murti laga sugayoo,
Hadal sugan ku siiyee,
Saamiya inanteydaay,
Ragga saddex qowlkiyo,
Sowkaada ha u furin.
Ninka dhiigga soomaal,
Dhawga kugu siraayee,
Anaa kuu ah sookeeyiyo,
Soomaalan wadaagnaa,
Sowkiisu saas yahay,
Misna ah sallaaniyo,
Siin nin ku hadlaayoo,
Guumaystaha u sara kaca,
Sinji waa ma guuree,
Sowdkaaga ha u furin!!
Noolashaa sareediyo,
Silic iyo omos iyo,
Hadba sakad dul joogtee,
Midka aanan kula socon,
Saqdii dhexe soo dhaca,
Saamaleylaa qoryaha cuna,
Sowkaada ha u furin!!
Midka kalana saamiyaay,
Soddon xaasle weeyoo,
Dumarkuu sur-gooyaa,
Gabdhuhuu saqiirshaa,
Mustaqbalkiisu sikin iyo,
Saacad kama dambeeyoo,
Saani weeye magicii,
Midkaasna sabiibeey,
Sowkaada ha u furin!
Afartaana sar-sar iyo,
Talo aan saldhigay iyo
Sil-siladdi weeyaan.
Afarkalana saamiyaay,
Dhaqankeenna soomaal,
Hablaha ugu sarreeyoo,
Qiima gaaruu siiyaa,
Niman baatir soomalliyo,
Sidig iyo dayrin iyo,
Soddon halaad iyo qori,
Sabadeyda keeneyn,
Sabool cayra weeyee,
Sowkaada ha u furin!
#Curiye_abwaan Warsame Shiidley

Comments
Post a Comment