CALI ZAKI - MARWADAYDA INAAD NOQONAYSO Falaqayn

QAYBTII 14AAD::Silsiladii Saamiya Muxuu Kayiri Sharmake Abdi Khaliif

Qaybtii 14aad waxaa dib ugu soo laabtay silsilada sharaake oo horay ugu jiray silsilada
wuxuu soo tiriyay maanso isigoo tilmaan ka bixiyana saamiya
Ragbadan ayaa tilmaano kala duwan ka baxshay oo amaan dul dhigay gabadhaa  salalka badan dhalisay haba u horeeye unkaha silsilada abwaan Abdirahman  laakiin sharmaake wuxuu ka bixiyay tilmaan iyo humaago ka duwan  kuwii hore
Dhan kale  waxaa ka dhex muuqda  maansaada samir siin badan iyo  inuu abwaan ku isaga haro gabadhaa
Maansadu waxay udhacaysaa sidatan

Saaxiibkey rumaadoow
Marka hore salaan hoo
Marka xiga sidaad tiri
Saamiya gob weeye
Inta saatir uumeyna
Ugu sifa waca tahay
Suuradeeda guudna
Siin laguma kooboo
Su,aaale baan ka leeyahay
Saqdi dhexe maran xalay
Hurdadii ka soo kacay
Saamiya sidey tahay
Toos lay horkeenyoo
Salalbaan ka qaaday
Aan tilmaan ku siiyee
Saamiyada aad shegte
Sarka dhabanta keente
Barbaarteena soomaal
Midba sida u qaatay
Sumadeeda iga hoo
Waa suuraf wareeg jecel
Sixirbeey ku caan tahay
Sodon reer oo wada dagan
Saacad beey ku dumisaa
Sidey doonto waa yeel
Sina kuma fiyooboo
Si xun bay ku talisaa
Saadaashu qori oo
Lagu seexin ubadkeen
Sowdkeeda hadalkana
Dadku wada subxaankey
Saacad waliba dhahayan
Midabkeedii salkahaa
Madow weeye soo jireen
Sinjigeedu gob weeyee
Waysa saaqidee ogow
Soonaha aduunyada
Sowdkeedu wada gaar
Subaxdii timaadana
Qaaraan la soo direy
Ooy saluugi nolashay
Beey ku baahi seegtaa
Tukaloo ka sii daran
Dariskeedu waa sun
Iyadase waa u saaxiib
Sanad waliba oo dhalan
Sun bay ku gurayaan
Weeyse samaan wacantoo
Uma dhimato say raban
Ma sal giciso garashado
May fahantoo seeriga
Iyo sacabka loo tumo
Saaxiibkeeda rumaadow
Aan talo ku siiyee
sidaad maqashay xajadu
Waxba kuuma aan sirin
Saamiya sidey tahay
Sawir waad ka haysaa
Ha sol salin naftooda
Ha u siin waraabaha
Ha u diidin saaxiga
Ha u seexan gidaarada
Ha u soomin saaxiib
Ha u seegin nolashoo
Ha u silcin saamiya
Aan soo koobo hadalkee
Suldaankey cabdoow
Ha is oranin hadalkan
Saaxiib kaa ka soo baxay
Waa silic kuu qorsono
Oo aan rabin sadkaagiyo
Sida aad ku wacan tahay
Ha is oranin waa seef
Cidi soo adeegsanin
Oo saawi af adagiyo
Kuu sita sagaal waran
Silic inaad ku nooshana
Sikastaba u jecel yahay
Ha is oranin saaxiib
Iska siki midkaano
Wuxuu saaftaba u diid
Saamiya sowjadaadiyo
Ha ahaato samahaa
Si kastaba waxan ahay
Makan ku soldahano
Samahaaga jeceloo
Hadba sidad ku sugantey
Shinbiruhu u soo taxaan
Saacadii timaadana
Sida aan xaqiiqdaba
Uga hayo sowdkaan
Saamiya lamagac baxay
Samirkaa ma joogo
Samadaad u tahay safar
Aan saadaali arag wali
Si kastaba hano qatee
Aan talo ku siiyee
U duceeya saamiya
Soomaali baa tiri
Madax muuqda saaxiib
Middi saawiroo xun
Samir lagama qaate
Kow salaadaha badi
Ha iloobin sunnahoo
U sujuud raxmaankana
Isagaa awood sugan
U sugnaatay saaaxiib
Inaad deyso salalkoo
Saamiyana siday tahay
Iney dhaanto samankaan
Subxaan kaa awood lehe
Sacabadaan u taagnay

Comments