- Get link
- X
- Other Apps
- Get link
- X
- Other Apps
Waxaa hadana maaso jawaab celin ah soo tirshay Axmed Sheekh Cabdirisaq taasoo ah mid dhinacyo badan taabanaysa
Dhankakale maansadu waa maanso tanasul iyo taakulayn iskugu jirtaa oo taa banaysa ragga ariga iyo sadexda geela la soo shir tagay
Maansadu waxay ku bilaabaysaa sidatan::
>Salaaman akhyaarta
>Marka xiga saamiya
>Siinlayda taxanaha
>Aan siinka laba jeer
>Soo qoro sidaan rabo.
>Indhawayd sadar kiyo
>Sawaariiqda lama arag
>Hayeeshee saacadaan
>Dhawr baan sar sarayaa
>Sidey tahay bal ila eega
>maansadeydii sanad hore
>Jacayl baa i saaqooo
>Saamiyaan jeclaaday
>Seeda Iyo dhiigayga
>Wadnahay dhex socoto
>Aay saaqday shalay
>Sidii maaha maanta
>Saakana warkaygii
>Samir baan ka qaatay
>Yaad uga sidkaysaa ?
>I waydii su aashaas
>Sil siladaa boqrane
>Sadarkii ugu horeeyay
>Sayid soo bilaaboo
>Safka aan ku jiray iyo
>masuulkii sugaayiyo
>Cabdi weeye saaxiib
>Sokeeyiyo xigaaliyo
>Sinjigeenii hore iyo
>seeftiyo gaashaanka
>Sakiinta afka badano
>Meel wada saraynaa
>Sin wada dhayaynaa.
>Dhaqankunu suu ahaa
>Ragu waa wada sahan
>Ninba dhinac kasoo gal
>Gaba gabada saamiya
>Ku salleeyay aqbaloo
>Ninkii loo subkaayay
>Indhaheeda saadhay
>Sal iyo baar tilmaanta
>Siduu yahay adeecday
>Su, aal bay bilowgiii
>Soosadaaqay inantu
>Sooryo maxaa la bixin
>Aabahay la siin oo
>Lagu soorin walalkiyo
>Intaan sifo wadaagno ?
>Jawaabtu sidey tahay
>Ila soco gudoomiye
>Soddogow dhankaaga
>Siinta ila garwaaqso.
↓Ramad iyo sanuudiyo
↓Kadin sabadkuu joogo
↓Barwaaqiyo subag Iyo
↓Sibraarka garoorkiyo
↓Ciirtuba saaran tahay
>Sange aan lagaarin
>Eebadana la saaray
>Seedigaa u beegayaa
>Geenyo saanta raaxaa
>aaan odayga soo siin
↑Inta korena sii dheer
>Dumaashidey saamiya
>Siyaakhad baan u xiraya
>Dahab baan u surayaa
>Suuqana dhexdiisan
>Dabaqyaan u saffayaa
>Samadaan gaynayaaa
>Beerta siidka laga helo
>Sabuulkay jeclaatiyo
>Qaybaha ka soobaxa
>Midkastan u soo gurin
>Hooyadeed sarbeeb la, I
>siinayaa hankeediyo
>Waxay saadilanayso
>Qaarabadeeda safarkaa
>Gobanimo u soorayaa.
>Dhanka kale seeftiyo
>Raadaarka soo gali
>Ninka xoola soofaba
>Sabeen kali ka haysta
>Saamiyan jeclaaday
>Ma sidiqi karaayee
>Sal fudeydka joojiya
>Saami kale bal eego
>Sadex neefoo geela
>Saamiyaan ma gayde
>Sal dhigta adiguna
>Sooryo iguma gaadhiine.
>siintayda gunaanaday
>Garta yaa simaaya?
>Aan dul surey Saxiixan.
#curiye Dalnuurshe Ibnu Sheekh Cabdi
Dhankakale maansadu waa maanso tanasul iyo taakulayn iskugu jirtaa oo taa banaysa ragga ariga iyo sadexda geela la soo shir tagay
Maansadu waxay ku bilaabaysaa sidatan::
>Salaaman akhyaarta
>Marka xiga saamiya
>Siinlayda taxanaha
>Aan siinka laba jeer
>Soo qoro sidaan rabo.
>Indhawayd sadar kiyo
>Sawaariiqda lama arag
>Hayeeshee saacadaan
>Dhawr baan sar sarayaa
>Sidey tahay bal ila eega
>maansadeydii sanad hore
>Jacayl baa i saaqooo
>Saamiyaan jeclaaday
>Seeda Iyo dhiigayga
>Wadnahay dhex socoto
>Aay saaqday shalay
>Sidii maaha maanta
>Saakana warkaygii
>Samir baan ka qaatay
>Yaad uga sidkaysaa ?
>I waydii su aashaas
>Sil siladaa boqrane
>Sadarkii ugu horeeyay
>Sayid soo bilaaboo
>Safka aan ku jiray iyo
>masuulkii sugaayiyo
>Cabdi weeye saaxiib
>Sokeeyiyo xigaaliyo
>Sinjigeenii hore iyo
>seeftiyo gaashaanka
>Sakiinta afka badano
>Meel wada saraynaa
>Sin wada dhayaynaa.
>Dhaqankunu suu ahaa
>Ragu waa wada sahan
>Ninba dhinac kasoo gal
>Gaba gabada saamiya
>Ku salleeyay aqbaloo
>Ninkii loo subkaayay
>Indhaheeda saadhay
>Sal iyo baar tilmaanta
>Siduu yahay adeecday
>Su, aal bay bilowgiii
>Soosadaaqay inantu
>Sooryo maxaa la bixin
>Aabahay la siin oo
>Lagu soorin walalkiyo
>Intaan sifo wadaagno ?
>Jawaabtu sidey tahay
>Ila soco gudoomiye
>Soddogow dhankaaga
>Siinta ila garwaaqso.
↓Ramad iyo sanuudiyo
↓Kadin sabadkuu joogo
↓Barwaaqiyo subag Iyo
↓Sibraarka garoorkiyo
↓Ciirtuba saaran tahay
>Sange aan lagaarin
>Eebadana la saaray
>Seedigaa u beegayaa
>Geenyo saanta raaxaa
>aaan odayga soo siin
↑Inta korena sii dheer
>Dumaashidey saamiya
>Siyaakhad baan u xiraya
>Dahab baan u surayaa
>Suuqana dhexdiisan
>Dabaqyaan u saffayaa
>Samadaan gaynayaaa
>Beerta siidka laga helo
>Sabuulkay jeclaatiyo
>Qaybaha ka soobaxa
>Midkastan u soo gurin
>Hooyadeed sarbeeb la, I
>siinayaa hankeediyo
>Waxay saadilanayso
>Qaarabadeeda safarkaa
>Gobanimo u soorayaa.
>Dhanka kale seeftiyo
>Raadaarka soo gali
>Ninka xoola soofaba
>Sabeen kali ka haysta
>Saamiyan jeclaaday
>Ma sidiqi karaayee
>Sal fudeydka joojiya
>Saami kale bal eego
>Sadex neefoo geela
>Saamiyaan ma gayde
>Sal dhigta adiguna
>Sooryo iguma gaadhiine.
>siintayda gunaanaday
>Garta yaa simaaya?
>Aan dul surey Saxiixan.
#curiye Dalnuurshe Ibnu Sheekh Cabdi

Comments
Post a Comment