CALI ZAKI - MARWADAYDA INAAD NOQONAYSO Falaqayn

Maansadii 21aad ee Silsiladii Saamiya Maxuu Kayiri‬ Axmed Af-Barwaaqo

Waxaa maanso soo tirshay nin lagu magacaabo   Axmed Af-Barwaaqo oo isagu silsilada kucusub wuxuu hadalo diiran siiyay raga iyagu  usoo jilba jabsanaya inanta saamiyaaah wuxuuna sheegay in samiya laqabo ayna iskaga haraan ragaan soo socda wuxuu kubilaabay murtidiiisii sidatan

Waa Astaan Salaan Tu
lagu Bilaabo Silsiladane
Sokeeyoy Ma Nabad baa?
Ha ba Sii Xal waydoo
Ha Isku Shareerto Samade
Saaxiib Ma Nabad Baa?
Gabadhii Saamiya
Waxa Ay Sirteed Iyo
Xanteedu Soco Taba
Runtii bay Saldhigate
Aan Idiin Soo Gudbiye
Sacabada U Hoorsada
Inkastuu Rag Isa Siiyey
Sawd Dheer Ku Sheegeen
Inay Aroosen Saamiya,
Inkastooy Sax Iyo Qalad
ninba Si U Tilmaamuu
Saamiya Amaan Biday,
Abdi Yuusuf Saaxiibkay
Ha ba U Siii Daraa Dee
Inkastuu U Solan Solay
Bilcil Iyo Sarmaan Iyo
Sog sog Iyo Cadaadiyo
Sabo Wada Gocondhaha
Aawadeed U Socod Maray
Inkastuu Suudigu
Madaxisa Saarnaaa
Sitimaano Badanoo
Suuradiisii Badashay
inkastoy Sabaaliyo
Sasabaad Ku Wadoy
Been Sagor Dahaniyo
Macaanow Ku Seexiso
Waxay Siliciyo Dhibtas
Saaxiibkay Ku Haysaba
Anaa Soo Ogaadee
Saaxiib Ma Ila Socotaa
Ileen Inanta Saamiya
Midheeyey La Socota
Halbawlaha Ku Sidata
Intaas Anfaco Saxartiran
kolba Sikin Ku Jalaysaa
Ileen Ina Siciid Bay
Sadrigiisa Ku ladaa
Ileen Ina Siciid Bay
Kalgacal ku Soorta
Ileen Ina Siciid Bay
Saygeeda ku Wada
Ileen Ina Siciid Bay
Suugaantiisa Ka Hesha
Abdi na Saamiya
Ma Ogo Sirteedo
Waa Daacad Siloon
Abdi na Saamiya
Ma Dareen Sifeeye
Araguu Ka Suuqma
Abdi na Saamiya
Ma oga Seetadeeda
Sil Siladu U Iibshaa
Waxay Saa Ahataba
Abdigii U Soo Maray
Diihaalka Iyo Silica
Cidlay Kaga sadcaasho
Ina Siciid bay Door biday
Saamiya Saygeediii
Wuxuu Isoo Faray
Raga Sahal Ku Jiree
Soo Sacabo Tumanow
Saamiya Iskaga Hadha
‪#‎Curiye_Axmed_af_barwaaqo‬ 

Comments