CALI ZAKI - MARWADAYDA INAAD NOQONAYSO Falaqayn

MAANSADII 20AAD ee Silsiladii Saamiya Muxuu Kayiri Abwaan Holac

Abwaanada sareyow
Sarakaca Ha socotee
Saakana anaa Sida
Saymahaa sirjimo Badan
Suubaan wanaajiyoo
Siigaale soo maray
Sarsuur ceel sablaaliyo
Inta sabad dhulkeena ah
Sinnaan baan u soo maray
Suran weeye hadaladu
Isa suran sal iyo Baar
Sirta sabanka joogtiyo
Sawaariiqdii wataa
Sokeeyiyo walaal iyo
Inta xumaha saydhiyo
Soomaali guud sare
Saakane manabad baa
Sulub geel sac iyo ari,
Saban horeba Mooyee
Saaka lama Amaanayn
Sabad kiina, waa saa
Sokeeyiyo walaalow
Sabad biilo soor male
Wabi siibad weeyoo
Sayr cowsle lagawaa
Siin kale waxaan iri
suuro suuro iyo hadal
Isi, seemo Weeyoo
Saamiyana mar kale saray
Saamiya, sokeeyow
Anay sowjo ii tahay
Sahal yiri siduu yiri
Oga helay salaan qura
Anna waan sikinayaaye
Sadar Sira un weeye
Raggow saanyado iri
Sahay rag weeyaan
U sareeyey aniguyoo
Sadax La iigu soo xir
Saban hore nin guursado
Saygeedi baan Ahay
Soofkana anaa Shubay
Iyo sooryo iyo yarad
Awr seeto goostoo
Mici sarasho mooye
Saad biyo san,saarayn
Isi saaray dhabiyoo
Sayraayo kaadida
Soo subax un maan oran
Seeta Goosey awrkuye
Seeto suga ratiga keen
Saamiyo waxaay tiri
laga guur Sareeyow
Sowd laxa jeclaalaan
Saa,id ugu sariiboo
Saamiyo carootoo
Sabadii gurigodan
Seeraysay caradii
Sanaag bay abbaarto
Sucuudigay ku socotaa
Sowd keed la soo sheeg
Abaheed ma seegoo
Hadal aanan seegayn
Sug ayuu ileeyahay
Soo celin dhawaan filo
Ninka sibir jeclaadoo
Gabar saban laguursaday
Saamiyayda ku hayow
Saaxiibkay cabdow
Sirgaxanaa sir eraylihi
Sahal seero bidix iyo
Sallax weeye xaajadu
Yeysan sabarad kuu Go'in
Hadii ay salaan guud
Seetihiyo nabaduba
Sooryo La isku siiyoo
Socdaal dumar la Aamino
Soo noqon ba Maayaan
Middii subax carootana
Waa salaama iyo samir
Maher àan suurto galin
Ha u suul dhabaalayn
Sahalow dumaashida
Soo celi walaalow
Saban kaagii siinkane
Sowdkii xumaan reeb
Sooryo maanso soo bixi
Saamiyo markaad helin
Aan kuu suureeyo saxiib
Ama subaxda geeriday
Ama subax dalaaqdeed
Aan siiyo mooyee
Sahalow dumaashidaa
Suuqa ha uga dhuumane
Soo celi sareeyow
Anna waan ku sugayaa
Saamiya hal baan iri
Sowjadaan jeclayey
Sina kuuma oran xumo
Soofkaaga raacoo
Sabadkiisa maaree
Haddii seerka loo goyn
Suul dhabaale beeniyo
Suudaan nin joogoo
Sahalow aad leedahay
Saban aaqir weeyee
Inaa sowjad wacan tahay
Hadalada u suuree
Soona noqo sareeyaay
Sowjaday rumaaday
Saamiyo walaalay
Sirta socodka beentale
Saamiya sirqiyo xiro
‪#‎curiye_maxamuud_maxamed‬

Comments