- Get link
- X
- Other Apps
- Get link
- X
- Other Apps
Saxay barashadeeno
Sahalow salaantii
Saxiib gudoomaye
Iga hano mid sare oo
Ka sugnaatay maan iyo
Niyad saafiyoo wacan
Sahalow siday tahay
Sun jacay inuu yahay
Isku raacnay saaxiib
Adna same ku waar oo
Silic eebe kuma bado
Intaas sadar aan qeexiyo
Suugaan tixraaceed
In kalana siday tahay
Aan u saafo sahalow
Ninka wali la sugayoo
Saamiyo jeclaaado
Soortii ka soomoo
Hurdadii u seegoo
Siinlayda maansada
Sa,da soo abaaroo
Saqdii dhexana laylkii
Ku salaama riyadoo
Sanbabada jirkiisiyo
Dhiiga ay la socotaa
Waa aniga sahalow
Sarsar oo hadan seed
Saytahay inaan marin
Samadaa ku socodsiin
Soomali oo idil
U garaacdo sacabada
Sahankaygu weeyee
Sahalow ogsoonow
Sax sax oo hadana sax
Saaxiibkay rumaadow
Saamiyo la kulankeed
Sowdkiyo la hadalkeed
Saan saanta eegmada
Ruux la saaqay noqoto
Damac niyada seexshay
Inkastoona sadarada
Diiwaan ku sii dhigay
Sooyaal ku sii qoray
Suntay sheekadeenii
Wali maanka suran tahay
Sulekhadii hawenkana
Aay wacadka sii daynoo
Wali suulin samirkii
Saacaad la kulantiyo
Fariintaad sugtoo tiri
Saamiya ayaa tiri
Sagaalkii hamaynimo
Igu noqotay salal oo
Caashaqiina sii koror
Saaxiibkay rumaad iyo
Waxaa tahay siday tahay
Nin i siiyay talo sugan
Sidaan rabayna seerayn
Sanaag iyo togdheer iyo
Nugaal waan dalxiis gayn
Muqdisho iyo saakow
Sinta bari hargaysiyo
jigjiga iyo sool wacan
Subax waliba waa gayn
Sida ay rabtaan oran
Sabadkay rabtan gayn
Haddii saaka aan helo
Nasiibkuna i saacido
Ee sahalow saamiya
Siday tiri ayaan iri
#Curiye Abdi Yuusuf Abdi

Comments
Post a Comment