CALI ZAKI - MARWADAYDA INAAD NOQONAYSO Falaqayn

JAWAAB CELIN :: Moha Kaylcaawi oo Jawaab Diiran Siiyay Saado IYO Sahal

Wagar haday ka daran tahay bal maasadaana bulshooy hooya ;;

Abwaanada sareetiyo
ragga siinka curiyoow
Hadalada sarabeebta
Saxiib sirtood helay
Mar kalana salan wacan
Gaar siiiya suleekhadaa
Samiya ku magac dheer
Samiyaay walaaleey
Ha saluugin waayaha
Suula dhabale iga daa
Ha isa soo qayi xinee
Si yar ii dhagayso
Geeluba ha socdee
Rag baa ariba soofsan
Sidaa ma u taqaana
Si kalana hadii aan
Kugu saafo weeraha
Ninka sahal lamagac baxay
Sirihiisu badanee
Sidaa ma utaqaana?
Si cad aan u sheego
Anigoon sarabeebayan
Sacadiyo iyo suleekho
Sabi aan u dhalin buu
Subax qure furee
Sidaa ma u taqaana
Sabanadii dhawaana
Suuban suguldii
Ragu wada sifeeyana
Asagaaba soo yiri
Waa sow jadayadii
Sidaa ma ula socataaa
Afartaa sidaan rabay
Sahalow bal saaxiib
Iska soo fur seetada
Adigay ku sida taaye
Afar kalana sahankay
Samiyay halakan rabo
Inaan adiga Kugu sugo
Waa seero wacanee
Samiyaay walaaleey
Sidaan horayba ku iri
Dadku sahay ma wada sito
Waxaan oga socdaa taa
Sadex ariyoo seenayoon
Subaga iyo labeen ba leh
Allow yaa ku dhaaf sada,
Soohadimaha bannaan iyo
Kula daga dhul siigo leh
Sagaaro iyo quslayna
Kuu ugaara saq dhaxe
Soor kaaga dhiga adi
Aad si fiican gama'dide
Allow yaa dhul saxara,
Siigadu ku badan tahay
Abeesadu susumayso
Kula seexda inan yahay
Samiyaay si kuu roon
Soo soco bal rabitan
Gaadada isoo saar
Hadii kale suleeekhoy
Sidi adiga Kula Wacan
Ina yuusuf sii raac
‪#‎Curiye‬ Moha Kaylcaawi

Comments