CALI ZAKI - MARWADAYDA INAAD NOQONAYSO Falaqayn

JAWAAB CELIN LABAD:::Abdirahman Yusuf oo Markale Ujawaabay Sahal Axmed Cumar

Abwaan Abdirahmaan Yusuf Abdi aya marlaab usoo jawaabay Sahal Axmed Cumar wuxuuna kubilaabay maansadiisii sida tan

Sahalow salaan sare
Waa salal la yaable
Saakay maansadadii
Iyo subaxa haataan
Isku eeg bal saaxiib?
Wixii kaaga soo baxa
Sahalow bal soo tabi?
Sadar dhigan ka eego
Fariintaad saxdoo tiri
Saamiya waxaay tiri
Samirkii ma dayn wali
Miyaad seegtay saaxiib??
Tan kaloo ka sii daran
Reer jacaylku soortoo
Saacad waliba oontood
Saaxiib cishqigu yahay
Miyaad sahanso leedahay?
Kalsoonidu ma siibnee
Saaxiib la soco taas
Saadaq iyo siciid hore
Haddaa suuban kala timid
Tani way sal adagtee
Yaan sallaanka dibirta
Saaxiib un kuu fakan
Talo weeye aan sugay,
Haddad xoolo soofiso
Jacaylka sad noo ahoo
Siduu yahay u doodnaa
Intaa sahal xaqiiq iyo
Sugaanta marinkeed
Inkalana sidaan rabo
Aan saaro qalinkee
Saaxiib bal ila soco
Salaad taagan ruuxii
Safka daba maroo
Faralkii aan suginoo
Sunne horay usii galay
Waajib saxan miyay tahay?
Waxaan oga socdaa taas
Saadaashii aad goobtaa
Mar bay kaa salguurta
Saamiyana nin jecelo
Naftiisaba u siibay
U hurtaa la seexashe
Xoolaha aad soo guri
Yay marinka seegine
Ku doon saaxiib inan kale
‪#‎Curiye‬ Abdi Yuusuf Abdi

Comments