CALI ZAKI - MARWADAYDA INAAD NOQONAYSO Falaqayn

QAYBTII TODOBAAD :Silsiladii Saamiya Muxuu ka yiri Abwaan maxamed Farah Dabcasar

Sil silaadaan la soo taxay
Sitimaankii hore iyo
Ilaa saaka socote
Saamiya ku magac dheer
Oraahdayda samaha leh
Fikirkayga saliimka ah
Aan ka dhiibto soowtkeey
CABDOOW dhagaha soo siqi
Caashaqa sumoobee
Qalbigaaga suranee
Saliyada ku faafsadey
Saxariirta nolashiyo
Kugu saaqay goor hore
Haduu samo ku noolaa
Sifihiisii hore iyo
Sowraciisu wacanaa
Anaa saacan waxaan wadaa
Xalaybaan saqdii dhexe
Manaam la’igu soo surey
Asoo soo siqaayoo
Soo laba kacleeyoo
Sagalada cad-ceediyo
Salka dhigtay oroor hore
Samaan nagu bariidsho
SAMIYA sumada badan
Nagu soorey saakaba
Siba sibeey kadarantahay
Siin leeydii koobaad
Sirtaad noogu sheegteE
Suuraleeydii SAAMIYE
SAACID kii ka weynaa
Ka sineeystey walashiis
!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Waa siriq xanuun badan
Dhaqankeena samaha leh
Somalida dhexdeediyo
Iyo sowraceenaba
Sumadani kumaan arag
Suurtoowdaye maxaa dhacay
???????????????????????
Ma wiilkaa sarqaansanaa?
Ma gabadhaa lasoo heley?
Anigu waa siloobaye
Su’aashaas bal soo baar

Comments