CALI ZAKI - MARWADAYDA INAAD NOQONAYSO Falaqayn

QAYBTII SADEXAAD:: Silsiladii Saamiya Muxuu ka yiri Abwaan Axmd SH Cabdirisaaq

Qaybtii sadexaad ee silsaladii uuunkay abwaan abdirahman yuusuf abdi lana magacbaxday saamiya
waxaa soo galay ooka qayb qaatay Axmed sh cabdirisaaq wuxuuna yiri sidatan

Safar dheer dalxiisyo
Saylaciyo banaadir iyo
Seeraha hargaysiyo
Jigjiga socdaal kaan
Saamiyo bidhaanteed
Gurigay ku sugan tahay
Hadii aadan soo helin
Jacaylkaan ku saaqay
Saaxiib maxuu yahay
Taasi waa su aaale ?

Soo sadaaqday hankiyo
Sadrigaa wuxu hayay
"Soor baan katagayoo
Gasiinkuna ma sahlana
Inuu dhuunta siimaro"
Su aashu waxay tahay
Cunto kali ka soontee
Saas miyaa jacaylkaa ?


Haddii aaan sifeeyo
Sahankayga maanta
Su aalaha ka leexdo
soo jireen jacaylkii
Sabano lasoo maray
Ruux uu Mar saaqay
Siduu yahay agtayda
Sunta nafta goysaa
Uga sahlan saamiya
Inaan subax un waaye
Samir baan ku leeyahay.

Seediyo jirkaygiyo
Dhiigay dhex socotaa
Subax kasto timaada
Haddii aana salaaniyo
Hambalyo lasii marin
Naftu salal ma daysoo
Ma awoodo saan qaad.

Haddii aana sadriga
Ku maaweelin sawiro
Riyadoo sili silad ah
Hadba dib usoo celin
Sariirtaba ma jiifsado
Indho galac ma siiyo
Soojeed baan ku nolahay.

Haddi maqlo sowdiyo
Sawaxanka dabaysha
Nafta waxay sugaysoo
Saamiya siday tahay
May bariday saakaa
Waa su,aal u gooniya
Maankaan ku sabayo.


soo ceshay dardaarane
Raggii sahansadow
Saamiyo sadkeeda
Haddad faras sidiisii
Arod aad ku socotaan
Saanta dib u qaadoo
Nin bay la safartooo
Sadrigiisa ku taala
Inay seegto hebeeniyo
Sikin malin yimaada
Aan ku seexan waligiis

curiye Dalnuurshe Ibnu Sheekh Cabdi

Comments