CALI ZAKI - MARWADAYDA INAAD NOQONAYSO Falaqayn

QAYBTII LIXAAD::Silsiladii Saamiya Muxuu Kayiri Hal-abuur Xongor Yare

Qaab taan lixaad waxaa soo galay nin hal abuur ah laguna magcaab maxamed xongor lana magac baxay  hal-abuur xogor yare 
Xongor yare ooo umuuqday nin isgu war ka keenay saamiyada lawada raadinaayo ayaa sidatan ku bilaabay maan sadiiisiii 


Samaalow cabdow
Mataan la igu sidkiyo
Saxiibkay rumaadow
Sacabadoo is dhafiyo
Marka hore salaaan
Guddoon saafiyo wacan
Marka xigana saamiya
Samaalow cabdow
Safaad kaa jacaylkee
Siliciyo rafaadkiyo
Ku baday soo jeedka
Kali kuma uu sarine
Raga kawada simane
Abwaan samaalow
Saxanow ogsoonow
Samaalow cabdow
Sanad horee tagay
Suleeqadan jeclaadee
Uga soomay soortii
Saakaba miyaan helay??
Warsamana sidiisii
Tuu lahaa suuntiyo
La wadaag sariiree
Seeraha gedood iyo
Soonahaa ceel cade
Humbaale salkeediyo
Ilaa sinta garbaharey
Midii ku sayn saabtee
Uu Sabanno goobka
Ku daalay socodkii
Sacadan miyuu helay??
Abwaan samaaloow
Saamiyadad gaclotee
Aawadeed silic iyo
Kuu sayrtay qodax
Anaa sahan tagoo
Sidaan ahay galayr
Samadaa u duulaye
Bal siyar ii dheeho
Xogta aan ku siiye
Saamiya xaaladeed
Samaalow xaaqiiqso
Ilkahooy soo qaydiyo
Qushucu waa sadkeed
Gaarahooy sayrtiyo
Socodku waa joogtee
Samaalow yaqiinso
Sabaday ku nooshahay
waa meel subaaciyo
Halaqu susumaayoo
Ruuxii soonahaa taga
Sahal kuma yimaado
Hayeeshee samaalow
Samir kaasho saaxib
Subax baa imaane
Saamiyo aad helinoo
La wadaagi soor oo
Aad soo barin dalxiiske
Ha saluugin waayaha
Subax baa imaanoo
Labadii sag saagnayd
Suubanhu furdaansho
Nin sanceeyaa imaane
Ha saluugin waayahee
Waqtiga sidaa u dhowr

Comments