CALI ZAKI - MARWADAYDA INAAD NOQONAYSO Falaqayn

QAYBTII LABAAD:: Silsiladii Saamiya Muxuu Ka yiri Abwaan Warsame Shiidley

Abwaan warsame shiid lay oocuriyay qaybtii labaad  ee silsiladii saamiya ayaa ku bilaabay sidatan::

Sawaxan waliba maqalkii,
Saar waliba sacabkii, Sugaan waliba madasheed, Cabdiyoow Sarbeebtiyo, Sixi waayay qowlkee, Saamiyadu waa tuma? Ma saxarladi xadraawaa? Ma simanti ina cumar, Baafin jiray sannadaa? Midda kale saaxiib, Sixi waayay aniguye, Qofku safaro badanaa? Ma sargaal guutiyo, Ciidan saad u qeybshaa? Sabadii hargeysiyo, Sool iyo jigjiga iyo, Saakoow iyo jilib, Laascaana Sool iyo, Sinta caabudwaaq, Inantan socdaashoo, Salka diiday saaxiib, Sifaheedu waa see? CURIYE ABWAAN WARSAME

Comments