- Get link
- X
- Other Apps
- Get link
- X
- Other Apps
Qaybtan afraaad waxa soo galay oo ka qayb qaatay abwaan Abdi qani garyare wuxuuna ku bilaabay maansadiisii sidatan
Seeraha aduunyadda
Meelkastood ku sugan tahey
Marka hore salaan wacan
Sugaanta hadalkiyo
Soodkaagii waan heleey
Jaceylkaan ku saanyadey
Sanbabadda jirkaagiyo
Saableeyda oo idiil
Seedihii ku jarayoo
Sunta kaa waraabshoo
Sagaal jeer habeenkii
Saqda-dhexe markay tahey
Sariirtaat ku jiiftiyo
Salashoo ka toostee
Hurdo waad ka soontee
Subaxdii la joogana
Soorida cadceedoo
Siiga aan la socon karin
Socodkeeda oo qura
Sootadeeda goobtee
Waa su'aal la yaab lehe
Oo ka seexan weeydee
Qalbigeey ku sidiktee
Samiya xagee baa
Laga soo helaayaa?
#curiye_abwaan_Cabdiqani_garyare

Comments
Post a Comment