CALI ZAKI - MARWADAYDA INAAD NOQONAYSO Falaqayn

QAYBTII 11AAD :: Silsiladii Saamiya Abwaan Bilic Hurfe Ku Soobiiray

Abwan bilic hufre ayaa ku soo biiray silsiladii  saamiya haatan silsialdu waxay yeelatay  siixo iyo maansooyin is daba joog kuwaas is dhaafsanayo
Abwaanku hurfe wuxuu ku bilaabay maansadiisa sidatan

Wallee howli ma sahlana
Roonow sidii roon kkkkkk
Inkastoo siriyo caad
Raggu badi ka simanyahay
Sinqashada jacaylkana
Sanbabada dhexdoodiyo
Seedaha ku ladhantahay
Sooyaalka tagay baa
Summad laga dhigaayoo
Saxda laga qiyaasaa
Aniguna sadkaygiyo
Soortiyo anfaca guud
Salka waxaan ku qeexa
Suugaanta caraftee
Sokeeyaha dareenkiyo
Saamiya ku goohoow
Dhamaantiin salaaniyo
Iga hooya samo sharaf
Marka xiga silsiladiyo
Siinleyda aragnaye
Caashaqa sarbeebta
Suul dhabaalihiisaan
San qaraha ka dheehdo
Waa sabaalo noloshuye
Saggaal tagay ka jara labo
Sadex kale kusoo dara
Saaweeya tiradaa
Saamiya ka dhiga gabadh
Qurux lugu sargooyoo
Suuniyaha ku yaallaa
Ka sidata haweenkoo
Cabaadyaha surkeeda
Safsaf ay yihiinoo
Sadri iyo ku taal maan
Marna saabka hoosiyo
Sanbabada dhex mirato
Sidig ay ku tahay ruux
Soonaha ka raadshoo
Sagaal sano la rabay guur
Ayaduna soh dheeriyo
Soone kale ku maqantahay
Mana oga sideedaba
Ninka calanka sudhayo
Saanyaday nafteedoo
Sahansaday dusheedo
Ku sidkaaya ruuxdee
Waxay calaf ku sugaysa
Suryaday ku dhalatiyo
Saan qaadka meeshay
Saqiir nimo ku ababtee
Sanqaraha bal kaadsada
Sacab beena tumistiis
Wuxu kugu siyaadshaa
Saadaasha kaa maqan
Siday noqonba doontee
Saamiya ninkii raba
Geel sararo naaxiyo
Sange orod ku caaniyo
Sooryada hasoo tumo
Sidii dhaqanka soomaal
Sinjigeeda beeshiyo
Qofkii subax salaamayba
Ha u saxiixo jeeg qoran
Ha suureeyo madal bilan
Ha seerto hoy wacan
Ha u saado nolol dhaba
Ha seego dano badan
Ha u maro sarsuur adag
Ha u sidihiyo heesaha
Ha u seexdo dhahad maran
Ha u saafo jiir ludda
Ha u qado sideed bari
Ha u dulqaado soon jaban
Ha u saluugo ruux kale
Ha u sal tiriyo maalmaha
Dadka kale ku saaqmee
Seefaha la boodoow
Sarbeebtiyo ujeedada
Halka sahanka lugu wado
Durba lama salooshee
Saan qaadka raadkiyo
Sifahaa la baaraa
Sooyaal la eeggaa
Sodon sano la baanta
Soo jiraha la tabiya
Mahmaah la saafa
Sagal galab la booqda
Surmi laga hoyaada
Saxanaha la qaataa
Siinley la tiriyaa
Ninka seegay noloshe
Seediga ku duuloo
Sarqaan nimo ku qirayow
Xaashe sidaad tiri
Dhaqankeena suubane
Sawirkiisa lumisoo
Seedaha ka goysaya
Ceebaha socdaalka
Adiga la salalloo
Saq dhexaad la toostee
Saan caddaa hadddaad tahay
Oroddoo sabeeniyo
Xaal suuban dhiiboo
Saamiya walaalkeed
Soo bixi magtiisii

Comments