- Get link
- X
- Other Apps
- Get link
- X
- Other Apps
Dhulku saac ug baadiyo
Sayax diiran weeyaan
Sagalkii oroornimo
Hadduu soo iftiimoo
Qoraxdaa sagaagaha
Falaraha sidraysoo
Anigiyo in ila siman
Nuurku waa sad gooniya
Sayax diiran weeyaan
Sagalkii oroornimo
Hadduu soo iftiimoo
Qoraxdaa sagaagaha
Falaraha sidraysoo
Anigiyo in ila siman
Nuurku waa sad gooniya
Midda kale safkeenow
Raga siinka curiyow
Salaantii aad gooyseen
Nagu soo sinaato
Sabadii anjoogiyo
Ehel siman dhamaanteed
Barwaaqay ku suganyiin
Idinkuna sidoo kale
Sow lama dareen lla,a
Raga siinka curiyow
Salaantii aad gooyseen
Nagu soo sinaato
Sabadii anjoogiyo
Ehel siman dhamaanteed
Barwaaqay ku suganyiin
Idinkuna sidoo kale
Sow lama dareen lla,a
Afartaa salkaygiyo
Wax aan ku suganahay
Soof daran habowgiyo
Maka eegay sowraan
Wax aan ku suganahay
Soof daran habowgiyo
Maka eegay sowraan
Aan sii banbaanshee
Sinta bari magaalada
Ilaa suuqa xoolaha
Hilaacbaa ka salagloo
Gudgudaa ku siqayoo
Sidaa iyo galbeedkana
Jeegaan sakaarlaa
Cirkii soo salaaxdoo
Afkeedii ku suruqdoo
Dhig dhaxada sideedii
Dhankaa soo galashoo
Siday noqon Alla oge
Samaan baan filaynaa
Sinta bari magaalada
Ilaa suuqa xoolaha
Hilaacbaa ka salagloo
Gudgudaa ku siqayoo
Sidaa iyo galbeedkana
Jeegaan sakaarlaa
Cirkii soo salaaxdoo
Afkeedii ku suruqdoo
Dhig dhaxada sideedii
Dhankaa soo galashoo
Siday noqon Alla oge
Samaan baan filaynaa
Sadexdaana heelada
Sida looga boodiyo
Waa sad guurti leedahay
Sadex kalana aan dhigo
Sirqabaa ka naxaaye
Aan xagal ka soo furo
Sida looga boodiyo
Waa sad guurti leedahay
Sadex kalana aan dhigo
Sirqabaa ka naxaaye
Aan xagal ka soo furo
Cabdiyow samalow
Saaxiibkayga qurahee
Dunidaan ka saantow
Abshir aan ku siiyee
Gabadhaad samaanadan
Saaxiibkayga qurahee
Dunidaan ka saantow
Abshir aan ku siiyee
Gabadhaad samaanadan
Baafinteeda saraysee
Saylac iyo hargaysiyo
Tojariyo sanaagiyo
Jigjigiyo salkeedii
Socod dheerku galisee
Baryo kugu safaadaan
Saaka aan is aragnoo
Sahal maaha xaajee
Xaalkaagu waa seeh
Saylac iyo hargaysiyo
Tojariyo sanaagiyo
Jigjigiyo salkeedii
Socod dheerku galisee
Baryo kugu safaadaan
Saaka aan is aragnoo
Sahal maaha xaajee
Xaalkaagu waa seeh
Guntanaha sarbeebtaa
Aan kuu sifeeyee
Xidigaha salkoodaa
Xalay laygu sooroo
Sideedii maraytahay
Suuban aan ku kulanoo
Aan kuu sifeeyee
Xidigaha salkoodaa
Xalay laygu sooroo
Sideedii maraytahay
Suuban aan ku kulanoo
waxaytiri:Sad waa eber
Sayn cadaalihi maray
Sokeeyana iswada diid
Waala seexday waa hore
Soo jeedna naga dhimay
Si kastooy ahaatana
Samirbaan guntanayaa
Xillibaan war sugayaa
reerkaanan saacidi
Inta sahanku maqan yahay.
Sayn cadaalihi maray
Sokeeyana iswada diid
Waala seexday waa hore
Soo jeedna naga dhimay
Si kastooy ahaatana
Samirbaan guntanayaa
Xillibaan war sugayaa
reerkaanan saacidi
Inta sahanku maqan yahay.
Adiguna nin sara ow
Cabdi iiga sii geee
Fariintaani oo sugan
Sii xaqiiji oo hubi
Oo wali usii sheeg
Inaan wali usoognahay
Oon sahal lla ii helin
Samirkana garbaha dhigo
Rabi baa sareeyee
intaa iiga sii gee
Saymaan arkaayoo
saxan saxaa uraysee
sidiqabacda noowada.
Cabdi iiga sii geee
Fariintaani oo sugan
Sii xaqiiji oo hubi
Oo wali usii sheeg
Inaan wali usoognahay
Oon sahal lla ii helin
Samirkana garbaha dhigo
Rabi baa sareeyee
intaa iiga sii gee
Saymaan arkaayoo
saxan saxaa uraysee
sidiqabacda noowada.

Comments
Post a Comment