CALI ZAKI - MARWADAYDA INAAD NOQONAYSO Falaqayn

JAWAAB CELIN:: Silsiladii Saamiya Muxuu kusoo Jawaab Ceshay Abwan Warsame Shiidley

Abwaan warsme cumar oo mar labaad ku soo noqday  silsialdii isagoo war ka keenay sahan kuu galay iyo raadintiii saamaiya wuxuuna ku bilaabay maansada  sidatan 

Suugaanyahan bullaloow,
Abwaan sare u kacayoow,
Murti-maal sadkiisiyo,
Dadka ugu sarreeyoow,
Salaan diiran iga hoo.
Marka xiga sadkaygoow,
Waan kula socdaayoo,
Nimuu Caashaq seedaha,
Xididada dhiigga seyraa,
Soodin u kala sameeyo,
U sal diiday baa tahay.
Inantan sixinkiyo,
Subaggiyo labeentiyo,
Ku sifeysay soomaal,
Aniguna Saqdii dhexe,
Gooraan sardhada rogay,
Saamiyaa mar ii timid.
Saa-saan haldhaaleey,
Sii-socod geenyaleey,
Midabkeeda sixirkaa,
Sugaan kuma sifeyn karo.
Abwaan hore siduu yiri,
Nabi suleyman (cs) dabadi,
Sooyaalka dunidan,
Saamiya oo kale,
Soo jeed daayoo,
Sardhaba kumaan arag.
Sidataal bishii hore,
Carafadii siddeedaad,
Saamiyaan mar kullanoo,
Waxay tiri suugaanyahan
Haddii duni saqaaftoo,
Suurka la ii afuufana,
Cabdirixman sambabadiyo,
Laabtuu iga suranyoo,
Sinnaba kuma illaawoo,
Jannadan ku sugayaa.
Aniguna saaxiib,
Saddex igu wallaahiya,
Suubban hooyadeed iyo,
Saadaq aabbaheedbaan,
Sooryiyo u geyn geel,
Adna kuuba sooyaal
Saamiya la kulankeed

Comments