CALI ZAKI - MARWADAYDA INAAD NOQONAYSO Falaqayn

JAWAAB CELIN :: Abwaan Ismaaciin Cabdinur Khaliif Oo u Soojawabay Unkii Silsilada

Abwaan Ismaciin cabdinuur  oo jawaab usoo celiyay  Abwaan Cabdirahman Yuusuf maansadani waa maansadii labaad uu kaga qayb galo Ismaaciin Silsiladaan
Waxba yaanan hadal ka idin ku badini waxay udhacaysa mansadu sida tan

Saaxiibkey rumadoow
Marka hore salan sare
Subaxii yimaadaba
Sammaan kugu bariidshe
Maxad saaka joogtaa?
Marka xigana saxiiib
Mansadaydii sooryoo
Horay kugu soo simay
Inkastoo saluugla.i
Kugu saafay erayadii
Sualahii an kaa rabay
Sina iima deeqsiiin
Mad sugin halkan rabay
Wana seegtay Marinkii
Cindigiiii saboolaa
Waxna sadin karinine
Abwaan saahida too
Murtaan ka sugahaye
Mar kaleeto soo cugo¿
Saaxiibkey rumadoow
Samiyadad jeclatana
Bal sadal yar iga sii
Quruxdii sifaaysaye
Caqligeedu wa seeh ¿
Garashana MA sidata ¿
MA saleeli maran baa ¿
Siciidkii ka waynaa
Ninka saray madashas
Miyay say ka dhigataa?
Aanse Kuba suuaallee¿
Haduu xumuhu suuqiyo
Mirfishyada dul suranyahay
Wa LA suulin jiray abid
Sidii dhaqan ahan jiray
Inaad sii dadan rabaye
Ceebta sii sar kuman odhan?
Soddoga labu dhalay
Hal nin bad ku sidigto
Samiyana walalkeed
Sacid curadkodi siisaye
Sodohdiina washaye
Sidee waye xaalkaas
Arimahan is wada suran
Subxaan yaa cadiimka ah
Bal wax garadka somal
Bal u saaf siday tahay
Saxiibkey rumadoow
Sinji kan wadagnoow
Wad seegtay marinke
Intan tiirka lagu surin
Ka soo labo qaladkaas
Qoyska sharaf ka siibtana
Suxulada usoo mudo
Samiyana iska iloow
Siday diintu nagu tiri
Danbi ruuxi suubiya
Sadir wuu ka dhaafa
Hadu sacabka horsado
Adna toobad soo celi
Mida kalana saxiiib
Man seef LA boodine
Wan hubiyay Sadarada
U jeedkagii sugayo
Siduu tahay uso dhigay
Waxna aniga sii wadin
Waxan sinki mansada
Ku sargooyay saxiiib
Hadalkana ku so xiray
Sirtii way danbeysa
Sakaladiina lama furin
Sadarkan ducadaba
Ku soo gabagabeye
Inta samaha jecelow
Amiinta sii dhaha
Sodon iyo sagaal jeer
Saqda dhexe illahban
Sacabada u tagtoo
Salaadan ku tuugo
Saqir yaa alah ban
Ku dhahaa sajuudo
Somali wayn oo
Isku raacday dhinac ban
Rabigay ka sugayaa

Comments