CALI ZAKI - MARWADAYDA INAAD NOQONAYSO Falaqayn

JAWAAB CELIN ::Abwaan Abdirahman Yuusuf Oo u Jawaabay Maansadii Abwaan Bilic Hurfe

Bismillahi sowdkayga
Ku bilaabay sadarkay
Ku bineeyay sahankay
Ku baxnanshay saan rabay
Ku saleeyay sugaan
Ku saaciday u jeedkay
Ku salaamay arartay
Murti maalkii sugayay
Intaa seedka maansaday
In kalana siday tahay
Abwaan sare hurfow
Sirta balo i siisaa
Sibiq tiri afkaygoo
Soo gaadhay cidahe
Kugu sooray Gogol wacan
Kugu siiyay geel sharaf
Kugu sawday gobanimo
Saamiya Haddad Mar
Aad saartay dhaayo
Ay amman ku sugan tahay
Ku seetaynin damacuyo
Ku soo dhaaftay hurfow
Sadex igu wallahiya
Nafta seeylad geeyaa
Soomali dhacayaa
Magtu waa iga soo bixis
Saamiyo haddan helo
Solan oo hadan sidan
Sodon iyo sagaal jeer
Tiradii sax saxayoo
Waxaa iiga soo baxay
Sifahaad tilmaantee
Bal saaxiib hurfow arag
Kow suureya aad tiri
Labo tiri sad tiriyoo
U saado nalool wacan
Sadex tiri u seeg dano
Ha ku sayrto qodaxduna
Afar tiri silsiladiyo
Heesaha u soo tiri
Shanna sahay la,aan iyo
U soo seexo ay marano
U samir dantaa tiri
Lixna tiri u diid soor
Awadeed u siiqmoo
Ka saahid gogoshaa
Toddobana siday tahay
Saan qaad u tiriyoo
Sanadkii ku dhaafaba
Summad qura u yeelo
Saaxiib un weeye
Todobada su,aalood
Ninka saaka marayo
ilaa haatan socodkaa
Sahan dhawrka kuba jira
Anaa subaxdaan jooge
Saaxiib ogsoonow
Kuwa igu sarsarayee
Saamiya maqlaayow
Car yaa saliid karsan?
Cabay oo ku seexday?
Suntana dhadhamiyay?
Sakiintana Mar shiitay?
Waalli dhaba siday tahay
Mar yihiina soo dhigay?
Admigu saxiixeen
Susumeen dhaqaatir
Saliinkaha la wada suray
Jawaabtii la sugayay
Ay yiraahdeen seedaha
Saanbada jirkoo idil
Isa soo xir caashaqu
Sakaraadku inuu helo
Inuu helo gargaar saxan
Yartu uu sadriga dhigay
Haddan saacad lagu helin
Sikin xiga ma noola?
Sokeeyiyo xigaalkii
Saaxibadii runtaaha
Su,aalaha ma wada fureen?
Yartu xagee ku sugan tahay?
Yay ka tahayna soomal??
Saanad lacaga ma hayna?
Geel ma soo safaynaa?
Su,aalihii is dhaaf dhaaf
Daqiiqado ma suuleen?
Saaruf iyo diyaarado
La is kugu xir sayntoo
Sam,ma yari khadkoo idil?
Kii shidaalka suuqaa
Albaabkii ma soo xiray?
Daqiiqado ma suuleen?
Naftu mayba tiri samir?
Sookeeyiyo asxaabtii?
Kani socoy ma wada yiri?
Saatir lagama quuste
Konton iyo sagaalkii
Sikin dhiman daqiiqad
Naftu saami gama,iyo
Naxariis ma sabatay?
Ma sardhabatay kalinmo?
Saxariirta inantaad
Saacaan u jiiftay
Sariirtii ma ay timid?
Sidii ruux caruusa
Qosol maad ku salashay?
Sacab maad garaacdoo?
Ma soo yaaceen ehelkii?
Yaasiinka saara iyo
Subcis maad la kulantay?
Soo bood ma tiri hadal
Sartaan yaa i keeniyo?
See wax yihiin ma tiri qowl,?
Soo koobay maansaday
Ujeedada intaan sigay
Waxaan oga socdaa eray
Jab nimaan sal dhigan ba
Salac salac ku raba inan
Saamiyana ku baytiyay
Isla raba sideedana
Sabankaa dhibka leehe
Rabbiyow sidii roon
Anna saamiyo wacan
Uu i siiyo calafkuyoo
Ubad tiriyo saa,id
Sinta ay mataaniyo
Saartaa qudhaydaba

Comments