CALI ZAKI - MARWADAYDA INAAD NOQONAYSO Falaqayn

JAWAAB CELIN :: Abwaan Abdi Yuusuf Abdi Oo Ujawaab Celiyay Abwaan Warsme shiidley



Sisiladii saamiya oo noqotay mid aad u xiiso badan ayaaa waxaaa dib ugu soo laabtay abwaan cabdiraxmaan yuusu cabdi oo ahaa ninkii isigu unkay oo aas aasay silsiladaan lamagacbaxday saamiya abwaanku wuxuu u jawaab celiyay maanso uu horay utiriyay abwaan warsame shiidley wuxuua ku bilaabay sidatan 

Saaxiibkay rumaadow Macalinkii sugaantow Marka hore salaan hoo Marka xigaana saamiya Warsamow siday tahay Haddan saaro qalinkoo Ka faaloodo subaxdaan Sumcad nimaan lahayniyo Badow baa sar sarayoo U solaaya nacabkoo Xasad baa sakiimaha U seefeystay caashaqo Boodhariba seegyayo Garan wayday suu rabay Middii uu u sacab tumay Saaxiibkay rumaadow Haddan sadar ka qaato Suuradeeda saamiya Sooyaal ku dhiganoo Midabkedu suu yahay Ka faalooday saac hore Waa soomali inantuye Soogalooti yay noqon Saaxiibkay rumaadow Saamiyadu waa tuma? Haddad saaka igu tiri Jawaabteeda oo saxan Su,aashada saamiya Seetada u gaabshoo Sannad hore bidhanshay Ma saacidin nasiibkeed Anna salalka caashaqa Seerigii ma dayn wali Igu diray silsiladoo Samir maana oran wali Saaxiibkay rumaadow Saxarladii xadraawiyo Simantii aad sheegtiyo Bureeqadii aad saaftay Silic iyo raafad daran Inkastooy ku sugantoo Walaalkeed surgooyoo Nasiibkeedu seejiyay Siday saaka iga tahay Saamiyaa ka wacanoo Ku salaysan caashaqo Waa saafi gabadhu Saaxiibkay rumaadow Safarkiyo socdaalkaan Soo jibaaxay sool iyo Saakow ilaa xamar U saldhigay hargayso Jigjiga aan soo maray Maan ogyn sidaan ahay Tilmaanteeda saamiya Si maldahanna loo eeg Anna socodka maan dayn Saaxiibkay rumaadow Sasabaad ku nooliyoo Biri bay mar soo noqon Seexashada ka eegtoo Ka war dhawray sahankeed Saaxiibkay rumaadow Adna suurka caashaqa U afuuf saqdii dhexoo Baadi goobka ila soco Haddad saarto dhayaha Damac yuu ku soo ridine Soo tilmaan aftahankow #Curiye_cabdiraxman_yuusuf_cabdi

Comments